804 Views

Madaxweyneyaasha Maamulada Hirshabelle, Galmudug, Puntland iyo Jubbaland oo lagu wado in ay muqdisho soo gaaraan..

Madaxweyneyaasha Maamulada Hirshabelle, Galmudug, Puntland iyo Jubbaland oo lagu wado in ay muqdisho soo gaaraan..
____________________________________________________________________________

Feb:19/2/2021

Waxaa  Magaalada Muqdisho lagu wadaa in ay soo gaaraan Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada, kadib shir uu ugu baaqay madaxweynaha  Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho

Waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay soo gaaraan Garoonka Muqdisho madaxweyneyaasha Maamulada Hirshabelle, Galmudug, Puntland iyo Jubbaland.

Shirka  wadatashiga ah ayaa waxaa uu  saldhig u yahay talo-soojeedintii Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee ku aaddanayd dhaqan-gelinta heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 laga gaaray hannaanka doorashooyinka, ayna meelmariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post