942 Views

Weerarro dad badan ku dhinteen oo ka dhacayJamhuuriyadda Dimuquraadiga ee Congo

Weerarro dad badan ku dhinteen oo ka dhacayJamhuuriyadda Dimuquraadiga ee Congo
____________________________________________________________________________

May 31 2021

Tirada dadka lagu dilay laba weerar oo ka dhacay barigaJamhuuriyadda Dimuquraadiga ee Congo ayaa gaartay ugu yaraan 50 qof.

Aagga gobalka Ituri ayaa waayahaan waxaa ka dhacayay weerarRo ay soo qaadayeen kooxo hubeysan oo ka tirsan Isbahaysiga ADF oo ka mid ah kooxaha hubeysan ee ka howlgala gobalkaas.

Rabshadaha halkaa ka socda waxaa sidoo loo arkaa in ay ku saleysanyihiin kuwa qoomiyadood.Toddobaadkii la soo dhaafay 22 -qof ayaa KDF ku dileen gobalka deriska la ah gobalkaas ee Kivu.

Madaxweynaha dalkaa Felix Tshisekedi ayaa awood dheeri ah siiyay militariga si ay wax uga qabtaan amni darada ka jirta deegaannada weeraraadu ka dhacaan toddobaad kasta inkastoo halkaa ay joogaan kumanaan ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post