5031 Views

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida oo xukun dil ah ka fulisay Baydhabo

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida oo xukun dil ah ka fulisay Baydhabo
____________________________________________________________________________

Baydhabo  | QOL | December 29, 2018 – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka maamulka Koonfur Galbeed ayaa tibaaxaya in xukun dil ah lagu fuliyay mid kamid ah dagaalyahanada Shabaab, oo horaan dil toogasho maxkamad ugu xukuntay.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa saaka Fagaaraha Maanyo fuulka Baydhabo ku toogatay nin lagu eedeeyay inuu Masjid Baydhabo ku yaallo horay ugu dilay Sh Madeer Madgaab Caliyow 15-6-2017-kii.

Ninkan oo lagu magacaabo Maxamed Aadan Cali Barrow ayaa bartamihii bishii June ee sanadkii hore Masaajidkan oo ku yaala xaafadda Towfiiq ku dilay Sheekh Maxamed Deyr, oo si weyn looga garanaayay Magaalada Baydhabo.

Goobta dilka toogashada uu ka dhacay, waxaa joogay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida & Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Baydhabo

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment