1962 Views

Al-shabaab oo sheegay in ay qabsadeen duleedka Mahaddaay

Al-shabaab oo sheegay in ay qabsadeen duleedka Mahaddaay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL  |  April 01, 2018–Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay in ay saaka ciidankooda la wareegeen degaanka Cali Fooldheere oo dhaca duleedka Degmada Mahaddaay ee Gobolka Shabeellaha dhexe.

Al-shabaab ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay isaga baxeen degaankaas kaddibna ay Ciidamadooda dib u qabsadeen degaankaas oo waayadii dambe ay maamulayeen Ciidanka AMISOM.

Degaanka Cali Fooldheere waxaa uu 12km dhinaca waqooyi uga beeganyahay Magaalada Mahaddaay ee Gobolka Shabeellaha dhexe waxaana ku sugnaa Ciidamada Burundi ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

Ciidamada Burundi ayaa degaanka Cali Fooldheere la wareegay 9kii August sanadkii 2017kii,waxaana tan iyo xilligaas ay ahayd degaan Saldhig ah oo ay ka ilaaliyaan magaalada Mahaddaay ee Gobolka Shabeellaha dhexe.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment