465 Views

Muuqaalka wiil walaalkii dhintay dhabta ku haya oo qabsadey baraha bulshad Hindiya

Muuqaalka wiil walaalkii dhintay dhabta ku haya oo qabsadey baraha bulshad Hindiya
____________________________________________________________________________

Talaado: July 12, 2022

Magaalada Morena oo katirsan gobolka Madhya Pradesh ee dalka Hindiya, ayaa ka dhacdey qiso cajiib ah, taasoo ah in wiil sideed jir ah, uu dhabtiisa saarey meydka walaalkii.

Markii uu tallaabadani wiilka yar sameynayey, aabihii dhaley labadan caruur ee midna meydka yahay, midna kan meydka dhabta ku haya walaalkii yahay, ayaa baadi goob ugu jirey baabuur sicir raqiis ah ku qaada, si ay guriga u geeyaan meydka, markaa kadibna u aasaan.

Muuqaalkani ayaa ku dhex baahay Baraha Bulshada, iyadoo dadka wax iska weeydiinayeen sababta aaney taageero ugu fidin qoyskan dhiban maamulka gobolka Madhya Pradesh iyo dowladda Hindiyaba.

Xisbiga mucaaradka ee Congress Party, ayaa si weyn arrintan u faafiyey, iyadoo taasi ay ka careysiisay xisbiga talada Hindiya haya ee BJP.

Mar ay suxufiyiintu isku dayeen iney su’aalo weeydiiyaan wasiir katirsan maamulka gobolkani, ee Shivraj Singh Chouhan, ayaanu ka jawaabin su’aalihii la weeydiiyey, isagoo sii watey socodkiisa.

Balsé wasiirka arrimaha gudaha ee gobolka, Narottam Mishra, ayaa hadda amrey in baaritaan lagu sameeyo arrintan.

Dhacdadan ayaa waxey gilgishay quluubta dad badan.

Geeska Afrika.Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post