846 Views

Maamulka Gobolka Banaadir oo shir ka yeeshay u diyaar garoowga Ciida

Maamulka Gobolka Banaadir oo shir ka yeeshay u diyaar garoowga Ciida
____________________________________________________________________________

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho  Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa shir guddoomiyay Shirka Todobaadlaha ee Maamulka Gobolka Banaadir oo ay goob-joog ka ahaayeen Kuxigeenada Gobolka iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka.

Shirkaan ayaa looga hadlay dar-dar gelinta Howlaha Nadaafada iyo Bilicda Magaalada Muqdisho maadaama la guda galay xilli roobaadyo isla markaana maalmo ay naga xigaan Maalinta Ciida Soonfur. Sidoo kale shirka ayaa loogu hadlay sare u qaadida dakhliga Dowlada Hoose ee Xamar.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho  Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa faray Mas’uuliyiinta kale ee degmooyinka Gobolka Banaadir inay dardar geliyaan howlaha Bilicda Magaalada Muqdisho maadaama la guda galay xilli roobaadyo.

Shirka Todobaadlaha ee Maamulka Gobolka Banaadir oo todbaadkiiba mar la qabto ayaa waxaa diirada lagu saaraa howlaha kala duwan ee horyaala Maamulka Gobolka Banaadir, iyada oo warbiixno loga dhageysto Guddoomiyeyaasha Degmooyinka..

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post