393 Views

Ciidanka Xoogga Dalka oo sheegay in aanay jirin ujeedo ay ka leeyihiin xuska 12-ka Abriil

Ciidanka Xoogga Dalka oo sheegay in aanay jirin ujeedo ay ka leeyihiin xuska 12-ka Abriil
____________________________________________________________________________


Sabti: April 9, 2022

Taliye kuxigeenka ciidanka Xoogga Dalka ee Soomaaliya, Janaraal Cabaas Amiin Cali, ayaa sheegay in dabaaldegga 62 guurada ka soo wareegatay markii la aasaasay ciidammada diiradda lagu saari doono arrimaha ammaanka.

“Waxaan caddaynaynaa oo aan umadda Soomaaliyeed u sheegaynaa in ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed uu u dabaaldegi rabo maalintiisa oo ah 12-ka Abriil.

“Waxaan nahay dadkii dhiiggooda u huraayay dalka, ujeedo kale oo aan wadankarno ma jirto, in cadaw aan la dagaallano mid gude iyo mid dibadba ayaa naloo aasaasay oo naloo dhisay. Ayuu yiri Janaraal Cabbaas.

Waxa uu ka warbixinayay diyaar garoowga xuska 12-ka Abriil oo ah markii la aasaasay ciidammada Xoogga Dalka 62 sanandood ka hor.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post