645 Views

Tiro dad ah oo ku dhintay dooni ku degtay Xeebaha Nigeria

Tiro dad ah oo ku dhintay dooni ku degtay Xeebaha Nigeria
____________________________________________________________________________

 

Isniin: July 11, 2022

Kooxaha gurmadka degdega ah ee dalka Nigeria ayaa sheegay in ay hadda soo saareen 17 qof oo mayd ah kadib markii dooni rakaab ah ay ku degtay meel biyo mareen ah oo ku taal magaalada caasimadda  Lagos.

Afar mayd ayaa la helay Sabtidii halka 13 kalena la helay Axaddii.

Maamulka marin-biyoodka gudaha ayaa sheegay in doonidu ay shiraacday Jimcihii ka dib markii, waxayna sheegeen in loo raray is xad dhaaf ah,  taasoo keentay inay rogmato.

Shilkan ayaa yimid saddex maalmood oo kaliya kaddib markii dooni kale oo rakaab ah ay ku degtay isla biyahaas, iyadoo la sheegay inay laba qof ku qaraqmeen.

Shilalka doomaha ayaa ku badan marin biyoodka Nigeria sababta oo ah ciriiri iyo dayactir xumo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post