696 Views

Itoobiya oo uga digtay beesha caalamka ‘in ay soo faragaliyaan’ xaallada gobolka Tigreega!

Itoobiya oo uga digtay beesha caalamka ‘in ay soo faragaliyaan’ xaallada gobolka Tigreega!
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 25, 2020 –Itoobiya waxa ay ugu baaqday beesha caalamka in aysan isku dayin “Tallaabooyin aanan lasoo dhaweeynin oo ah falal sharci darro ah oo ku saabsan faragelinta xaaladda” xilli uu isa soo tarayo cadaadis caalami ah oo ku saabsan xabad joojin si gargaar banii’aadanimo loo gaarsiiyo shacabka ku nool Tigray oo muddo saddex toddobaad ah lagu dul dagaallamayo.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ka codsaday beesha caalamka in ay u diyaargaroobaan in xaaladda ay faraha lasoo galaan tan iyo inta xukuumadda ay ko codsaneyso in laga caawiyo qalalaasaha haatan ka taagan gobolka Tigray.

Abiy wuxuu sheegay in dalkiisa “uu diiday in lasoo farageliyo arrimaha gudaha” kana codsaday beesha caalamka “In ay qaddariyaan mabaa’diida aasaasiga ah ee dhigayo in la sameyn wax faragelin ah sida ku xusan xeerarka caalamiga ah”

Ra’iisul Wasaaraha wuxuu sheegay in uu soo dhaweynayo walaac beesha caalamka ay ka muujinayaan xaaladda.

“Waxaan carabka ku adkeynayaa in Itoobiya ay leedahay awood isla markaana ay ku rajo weyn tahay in ay xaliso xaaladda iyadoo loo marayo sharciga iyo xeerarka caalamiga ah” ayaa lagu bayaan kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post