1422 Views

Duqeyn ka dhacday Gobolka Jubbada Hoose & Jubbaland oo ka hadashay

Duqeyn ka dhacday Gobolka Jubbada Hoose & Jubbaland oo ka hadashay
____________________________________________________________________________

Diyaarado dagaal ayaa waxaa ay duqeyn ka fuliyeen deegaano hoostaga degmada Bu’aale ee Gobolka Jubbada Hoose Maamulka Jubbaland, halkaas oo ay gacanta ku hayaan Xubno ka tirsan dagaalamayaasha Ururka Al-Shabaab.

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in Duqeynta laga fuliyey degmada Bu’aale iyo deegaanka Jabi ee Gobolka Jubbada Hoose,isla markaana khasaaro lagu gaarsiiyey Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab waa sida uu hadalka u dhigeen.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga ee Maamulka Jubbaland Cabdi Nuur Ibraahim Xuseen ayaa sheegay in duqeynta sigaar ah loola beegsaday xero ay degmada Bu’aale ku leeyihiin Al-Shabaab,isla markaana lagu dilay Xubno uu ka mid yahay Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab una dhashay dalka Kenya.

 

Sidoo kale waxa uu sheegay in Maamulka Jubbaland uu ku howlan yahay baarista duqeyn Xalay lala eegtay Saldhigyo Al-Shabaab ku leeyihiin tuulooyin hoostaga degmada Bu’aalo oo uu sheegay in qaarkood gawaari lagu gubay.

 

Al-Shabaab dhankooda weli kama hadlin warkaan kasoo yeeray Wasaaradda Amniga Jubbaland taas oo ku aadan in duqeyn ka dhacday tuulooyin hoostaga degmada Bu’aale khasaaro lagu gaarsiiyey Al-Shabaab.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment