933 Views

Madaxweynaha Koonfur Africa oo ku jah wareersan halkii uu dhigay computer-kiisii.

Madaxweynaha Koonfur Africa oo ku jah wareersan halkii uu dhigay computer-kiisii.
____________________________________________________________________________

Arbaco: June 23 2021  

Waxaa maanta baraha bulshada aad looggu wadaagayey video ku saabsan Madaxweynaha Koonfur Africa, Cyril Ramaphosa oo ku jah wareersan halkii uggu war danbeysay computer-kiisii.

Madaxweynaha ayaa la arkayey isagoo weeydiinaya xogheyntiisa halka uu yaallo computer kiisa gacanta.

Ramaphosa ayaa dareenkiisu aad u kacey, isagoo ku cel celiyey inuu ogaado halka computer-kiisii la geeyey

Wuxuu intaa raaciyey “tani waa dhibaato mar kasta jirta, taasoo ah inaad u dhiibtaan computer-kiina dad kale”.“Way xadeen..waxaan ku heystay gacan teyda, waana la ayay,” ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa lagu wadey inuu qudbad ka jeediyo xaflad, laakiin qoraalkii qudbadda wuxuu ku jirey computer-ka.

Waa kan video-ga labadda daqiiqo ah, oo ah markii Madaxweynaha uu jah wareerey:

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post