357 Views

Dalalka Falastiin Sacuudiga, isu-tagga Imaaraadka Carabta, iyo Jordan iyo oo cambaareeyay booqashada uu masjidka barakeysan ee Al -aqsa ku tegay wasiir ka tirsanIsrael

Dalalka Falastiin Sacuudiga, isu-tagga Imaaraadka Carabta, iyo Jordan iyo  oo cambaareeyay booqashada uu masjidka barakeysan ee Al -aqsa ku tegay wasiir ka tirsanIsrael
____________________________________________________________________________

Talaado: January 3 2023

Falistiiniyiinta iyo dalal dhowr ah oo carbeed ayaa cambaareeyay daandaansina ku tilmaamay, booqasho uu wasiirka cusub ee amnga ee Israel uu ky tegay aagga u uku fadhiyo masjidka barakeysan ee Al-Aqsa oo ku yaalla magaalada Qudus.

Mas’uul ka tirsan Falastiin ayaa sheegay in booqashada uu subaxnimadii hore oo manta ah uu goobtaas ku tegay Itamar Ben-Gvir oo ka tirsan midigta fog, ay ku eedeynayaan, ra’iisal wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu.

Sacuudiga, isu-tagga Imaaraadka Carabta, iyo Jordan ayaa dhamaantood siyaasigan ree Israel ku eedeeyay inuu ku duulay goobtaas oo ah dhismaha masjidka Al Aqsa.

Aaagaas waxaa hadda ku cibaadeysta oo ay u furantahay muslimiinta oo keliya, balse Ben Gvir ayaa in badan ku baaqay in Yuhuuda sidokale loo ohgolaado in halkaa ku cibaadeystaan.

Dhankiisa, Ben Gvir, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa tweeter-ka ku sheegay in macbadka ay ugu yeeraan Temple Mount ay u furantahay qof waliba isla markaana aanay niyad jabin doonin hanjabaadaha ugu imanaya Xamaas.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post