1404 Views

Xilliga Uu Dhacayo Kulanka 2aad Ee Madaxweynayaasha Mareykanka & Waqooyiga Kuurya Oo La Shaaciyay

Xilliga Uu Dhacayo Kulanka 2aad Ee Madaxweynayaasha Mareykanka & Waqooyiga Kuurya Oo La Shaaciyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 19, 2019 –Hadal ka soo baxay Aqaalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay in Kulanka 2-aad ee Madaxweyne Trump iyo Kim Jong Un  dhici doono  dabayaaqadda bisha soo socota ee Feberaayo

Shaacinta Kulankaasi ayaa lagu dhawaaqay. kadib markii uu Madaxweyne Trump xalay la kulmay  Kim Yong Jool oo ah Guddoomiye-ku-xigeenka Guddiga Dhexe ee  Xisbiga ka taliya dalka Waqooyiga Kuurya oo haatan ku sugan Washington.

Kulankooda oo socday muddo 90 daqiiqo ah  waxay kaga wad hadleen Kulanka Labaad ee Trump iyo Kim Jong Un iyo qorshaha Hub-ka-dhigista ee lagu burburinayo Nukliyeerka Waqooyiga Kuurya.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment