624 Views

Ku dhawaad 40 qof oo Soomaali ah oo ku xaniban inta u dhaxeysa dalalka Belarus iyo Lithuania

Ku dhawaad 40 qof oo Soomaali ah oo  ku xaniban inta u dhaxeysa dalalka Belarus iyo Lithuania
____________________________________________________________________________



Axad: August 29, 2021

Ku dhawaad 40 qof oo Soomaali ah ayaa ku xaniban inta u dhaxeysa dalalka Belarus iyo Lithuania kuwaas oo markii hore ka tagay dalka Turkiga, waxay doonayeen inay tahriib ku galaan dalalka Yurub.

Dadkan oo ay ku jiraan caruur iyo dad waayeel ah ayaa sheegay in dhibaatooyin is biirsaday ay halkaa ku haystaan isla markaana ay u baahan yihiin caawimaad.

Qaar kamid ah dadkan ayaa BBC u sheegay in 7 maalmood ay ku go’doonsan yihiin dhul qabow ah oo u dhexeeyo labadaas dal.

Waxay intaas ku dareen in labo qof ay ku dhinteen halkaas xilli ay ka carareen ciidamada ilaalada xadka Belarus.

sidoo kale BBC-da si madaxbanaan uma xaqiijin karto arrintaas

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post