1389 Views

Wada-hadalka guuldareystay ma saameyn karaa isu-soobaxa Sabtida ee 6-da Maarso 2021?

Wada-hadalka guuldareystay ma saameyn karaa isu-soobaxa Sabtida ee 6-da Maarso 2021?
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 5da Maarso, 2021:-Wadahadalka Xukuumadda Xil-gaarsiinta & Midowga Musharixiinta oo soo bilawday 25-kii Febaraayo 2021 ayaa saddex jeer toos waxaa u kulmay xubnaha xildoonka ah iyo ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble muddada todobaadka ah.

Dibadbaxa Musharixiinta oo wadahadalka & khilaafka saameynta siyaasadeed dheliyay salka u ah ayaa heerar kala duwan loosoo maray, waxaana 19-kii Febaraayo 2021 kadib markii saq dhexe uu dagaal ka dhacay Hoteel u dhaw Madaxtooyada oo ay degeen saddex Musharax oo dalka Madaxweynayaal & Guddoomiye Baarlamaan kasoo noqday.

Isla taariikhdaas, ciidamada Dowladda Federaalka ayaa rasaaseeyay dibadbax ay hor boodayeen Musharixiiin & Xildhibaanno katirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka, balse Golahaas ma uusan joojin shaacinta isu soo baxooda oo mar kale ayay ku dhawaaqeen 26-kii febaraayo 2021 balse saacado kahor wadahadal dib loogu dhigay 10-cishe gudahood.

Xilkasnimada Sheegashada Xukuumadda XIl-gaarsiinta & Musharixiinta!

Muddo 8-cishe ah wadahadalka Xukuumadda & Musharixiinta waxa uu ku socday qaab degen, marka laga reebo in mar la isku qabtay boos badalka goobta lagu qabanayo dibadbaxa Midowga Musharixiinta oo ah in la geeyo Garoonka Cayaaraha ee Injineer Yariisow, balse Golaha ayaa ku adkeysay oo ugu dambeyn RW Rooble waxa uu sheegay in loo ogolaaday iyada oo la tixgelinayo heshiiska dhexmaray.

Qodobka xasaasiga ah oo ay isku qabteen ayaa ah in Musharixiinta laga talo geliyo goobjoogna ka noqdaan kulamada madaxda Federaalka, Dowlad Goboleedyada & Gobolka Banaadir ee looga hadlayo arrimaha doorashooyinka gaar ahaan heshiiska dhinacyadaan ay saxiixeen 17-kii September 2020.

Xukuumadda ayaa sheegtay in tanaasul badan uu Ra’iisul Wasaare Rooble u sameeyay Golaha Musharixiinta, balse awoodda ogolaanshiyaha ka qaybgalka kulamada looga go’aan gaarayo Doorashooyinka ka baxsan tahay una taallo Madaxtooyada & Dowlad Goboleedyada.

Dhanka Golaha Midowga Musharixiinta waxa uu ku dooday in dabac badan ay ka sameeyeen qodobo dhowr ah, waxaana ay Ra’iisul Wasaare Rooble ku eedeeyeen in awooddiisa dastuuriga ah uu dusha ka saarayo Madaxweynaha waqti xileedkiisu dhammaaday 8-da Feb 2021 sida hadalka loo dhigay.

Maxaa loo qorsheeyay isu soo baxa Midowga Musharixiinta ee 6-da Maarso 2021?

Wasiirka Amniga Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale ayaa xalay xili dambe markii lagu kala tagay shirkaas waxa uu sheegay in qorshaha sugidda amniga & kahortagga faafitaanka Covid-19 uu wadahadal ka socdo.

Xundubey ayaa tilmaamay in Guddiyada farsamo ee Xukuumadda & Midowga Musharixiinta ay iska arkeen arrimaha dibadbaxa, howshuna ay socoto sida qorshaha wadajirka ah ee lagu wajahayo xasiloonada & caafimaadka.

Waxa uu intaas ku daray in wadahadalka uusan lahayn hal waqti, isla markaana ka Xukuumad ahaan aaminsan yahay in kulan qura lagu dhammeyn karo waxyaabaha la isku gefay ama la isku qabsaday sida uu hadalka u dhigay.

Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir oo daba-socda shirka lagu kala tagay ayaa qoraal uusoo dhigay Bartiisa Facebook kusoo bandhigay qodobada lagu kala tagay oo kala ah:

1- In madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday uu qoro dikreeto uu ku cadaynayo in masuuliyadaha iyo go’aanada amniga iyo doorashooyinka uu faraha kala baxo.

2- Si loogu kalsoon karo amaanka dalka iyo kan doorashooyinka in ciidanka laga saaro siyaasada, lana bedelo ama ugu yaraan shaqada laga joojiyo taliyayaasha ciidanka, kuwa cusubna laga saxiixo in ay siyaasada faraha kala baxaan.

3- In la furo masaaxada siyaasada  oo aan cidna idan looga qaadan kulamada, dibadbaxyada, abaabulka kale ee ololaha doorashooyinka, warbaahinta qarankana loo sinnaado.

4-In la cadeeyo ka qaybgalka Midowga ee wadahalada doorashooyinka.

“Raysalwasaaraha inta uu wax ka qaban karo ha u cadeeyo shacabka Soomaaliyeed, go’aanadeedana ha qaato” ayuu kusoo gaba-gabeeyay qoraalkiisa Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post