1416 Views

Daawo:-Banaabax ka dhan ah Wasiir Goodax oo ka dhacay Muqdisho

Daawo:-Banaabax ka dhan ah Wasiir Goodax oo ka dhacay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 14, 2019–Boqolaal ka mid ah Ardayda waxka barata Dugsiyada Sare ee Gobolkan Banaadir ayaa Maanta waxaa ay Magalada muqdisho ka dhigeen banaanbax ay uga soo horjeedaan go’aankii xalay ee uu ku dhawaaqay Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya.

 

Wasiirka ayaa xalay shaaciyey in gebi ahaanba la baabi’iyey Imtixaankii Shahaadiga ee Dugsiyada Sare kadib markii Wasiirka uu sheegay in suuqyada lagu kala iibsaday maadooyin ka mid ah imtixaanka dowladda oo mudo saddex Cisho ah socday.

 

Ardayda ayaa Maanta waxaa ay banaanbax ka dhigeen wadooyin waaweyn oo ku yaalla Magalada Muqdisho,sida,Wadada Maka Al-Mukarama,Wadooyinka dhexmara degmooyinka Waaberi iyo Xamar Jajab iyo tan Jubba ee Magalada muqdisho,waxaana ay ku dhawaaqayeen erayo ka dhan ah Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya.

 

Qaar ka mid ah banaanbaxayaasha oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya uu dayacay Shaqadii loo igmaday,isla markaana aysan ka qeyb galeyn Imtixaanka dib loogu celinayo oo ay Wasaaradda Waxbarashada qaadi doonto.

 

Markii Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada uu  ku dhawaaqay go’aanka ah in la joojiyey Imtixaanka ayaa waxaa ka dhashay kala aragti duwanaan dadka ah,iyada oo qaarkood ku taageereen qaarna ay kasoo horjeesteen.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment