945 Views

Cristiano Ronaldo oo la sheegay inuu tababarka la bilaabi doono Manchester United Khamiista

Cristiano Ronaldo  oo la sheegay  inuu tababarka la bilaabi doono Manchester United Khamiista
____________________________________________________________________________


isniin: September 6, 2021

Cristiano Ronaldo ayaa la soo warinayaa inuu tababarka la bilaabi doono xiddigaha cusub ee Kooxdiisa Manchester United Khamiista soo aaddan.

Waxaa la filayaa in Ronaldo uu kulankiisii ugu horreeyey ee soo laabashadiisa Man United uu safan doono kulanka ay Newcastle United ku soo dhoweyn doonaan garoonka Old Trafford 11-ka bishaan September.

36-sano jirkaan ayaa Arbacadii la soo dhaafay noqday xiddiga dhanka Ragga ugu goolasha badan ciyaaraha caalmiga ah taariikhda, kaddib markii uu dhaliyey goolkiisii 110-aad iyo 111-aad kulankii xulkiisa Portugal uu 2-1 guul soo laabsho ah kaga gaaray Republic of Ireland, laakiin markii uu kaarka digniinta ah qaatay dhammaadkii kulankaas taasi waxa ay la micno noqotay inuu seegi doono kulanka xulkiisa ee Azerbaijan.

Ronaldo ayaa Khamiistii ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Manchester, laakiin waxa uu geli doonaa shan maalin oo karaantiil ah sida uu qabo sharciga dowladda UK.

Haddii Ronaldo laga waayo Korona Fayras, isla markaana uu shan maalmood karaantiil ku jiro, waxa uu awoodi doonaa inuu tababarka kula midoobo xiddigaha ay isku kooxda yihiin ee Man United dabayaaqada todobaadkan.

Suxufiga la yiraahdo Tom McDermott ayaa warinaya in da’yarkii hore ee Kooxda Sporting Lisbon uu tababarka la bilaabi doono xiddigaha kooxdiisa Man United, isla markaana uu gaari doono xerada tababarka ee Carrington Khamiista.

Sidoo kale McDermott waxa uu bartiisa Twitter-ka ku shaaciyey in Weeraryahankii hore ee Kooxda Juventus uu ku bilaaban doono safka hore ee Man United kulanka ay ka horjeedaan Newcastle 11-ka bishan September.

Xiddiga xulka qaranka Portugal kaasoo xiran doona maaliyadda lambarka 7-aad ee Red Devils ayaa qalinka ku duugay heshiis labo sanadood ah oo uu ku sii joogi doono garoonka Old Trafford, waxaana uu kooxda Man Utd hore ugu soo ciyaaray intii u dhexeysay 2003 ilaa 2009.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post