429 Views

Siyaasiga Raila Odinga oo lagu wadaa in uu maxkamada ugu sareyso u gudbiyo dacwad ka dhan ah natiijada doorashadii Kenya

Siyaasiga Raila Odinga oo lagu wadaa in uu maxkamada ugu sareyso u gudbiyo dacwad ka dhan ah natiijada doorashadii Kenya
____________________________________________________________________________

Isniin: AUGUST 22, 2022

Siyaasiga dalka Kenya Raila Odinga, ayaa maanta oo Isniin ah lagu wadaa in uu maxkamada ugu sareyso u gudbiyo dacwad ka dhan ah natiijada doorashadii madaxtinimo ee dhawaan ay guddiga doorashada dalkaasi ku dhawaaqeen.

Odinga ayaa aaday maxakamadda isaga oo diiday guusha Madaxweynihi Hore Willian Ruto uu ka gaaray doorashadi dhacday 9-kii August isaga oo helay 50.55 halka Odinga uu helay 48.8%.

Kiiska Mr Odinga ayaa waxaa sii xoojinaya in afar ka mid ah todobada xubnood ee doorashada – oo ay ku jirto guddoomiye ku xigeenka Juliana Cherera – ay qaadeen tallaabo aan caadi ahayn oo ay ku diideen natiijada.

Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa laashay guushii uu madaxweyne Uhuru Kenyata uu ka gaaray doorashadi 2017-kii, waxayna amar ku bixisay in doorashada markale la qabto.

Odinga ayaa markaa qaadacay ka qaybgalka doorashada cusub isaga oo sheegay inuu jirin nidaam sahlayo in la qabto doorasho xor iyo xalaal ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post