639 Views
____________________________________________________________________________

Culimada masaajid ku yaalla magaalo xeebeedka Lamu ee Kenya oo ka cawday funaanad loo nashqadeeyay fanaan caan ah

April 6, 2021  

Culimada masaajid ku yaalla magaalo xeebeedka Lamu ee dalka Kenya ayaa warqad u qoray shirkad dharka ssameysa oo funaanad u nashqadeysay fanaanka caanka ah ee Jay-Z, sida uu ku warramay wargeyska Daily Nation.

Waxaa funaanadda loo nashqadeeyay fanaanka ka muuqdaa sawirka masaajidka Riyaadha ee ku yaalla Laamu.

Waxay culimada sheegeen in aysan ogoleyn in sawirka masaajidka lagu xardho funaanad laga yaabo inay ku dambeyso baararka.

Waxay ka codsadeen in uu raalli gelin ka bixiyo tallaabada.

Culimada ayaa sidoo kale uga mahadceliyay qofkii nashqadeeyay sawirka in uu soo bandhigo muuqaalka magaalada Lamu balse ay habbooneyd in uusan adeegsan minaaradda masaajidka Riyaadha

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post