291 Views

Madaxweyne dalka Kenya Ruto oo khubad u jeediyay ciidamada Kenya ee kusii jeeda dalka Cong DR

Madaxweyne dalka Kenya Ruto oo khubad u jeediyay ciidamada Kenya ee kusii jeeda dalka Cong DR
____________________________________________________________________________

Arbaco: NOVEMBER 2, 2022

Munaasabad lagu sagootinayay ku dhawaad ​​1,000 askari oo Keenyaan ah, ayaa la qabtay, iyagoo kamid noqonaya ciidamada nabad ilaalinta, kuwaasoo ka hawl galaya gobolka bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo.

Madaxweyne William Ruto, oo la hadlayay guutada Kenya, ayaa sheegay in kooxaha hubeysan iyo kuwa uu ugu yeeray “argagixisada” aan loo saamixi doonin inay dib u dhigaan horumarka gobolka bariga iyo bartamaha qaaradda Afrika.

Sida uu dhigayo heshiis ay gaareen bulshada Bariga Afrika, ciidamada ayaa lagu wadaa inay bari taaraa ​​​​ciidamada dalka Congo, si ay u xakameeyaan rabshadaha sii kordhaya ee ay wadaan jabhadda loo yaqaan M23.

Ciidamadan ayaa waxay ku biiri doona askar ka kala socota dalalka Burundi, South Sudan iyo Uganda.

Howlgalka ugu horreeya ee ciidamada nabad ilaalinta, ayaa noqon doona inay dib ula wareegaan magaalada Bunagana, oo kooxda M23 ay la wareegeen bishii June ee ina dhaaftay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post