1008 Views

Dowladda Turkiga oo u suuragashay inay qaab kale ku hesho diyaaradaha uusan duuliyaha saarneyn

Dowladda Turkiga oo  u suuragashay inay qaab kale ku hesho diyaaradaha uusan duuliyaha saarneyn
____________________________________________________________________________

May 23 2021

Dowladda Turkiga ayey u suuragashay inay qaab kale ku hesho diyaaradaha uusan duuliyaha saarneyn ee duqeymaha fuliya, kuwaasoo uu horay Mareykanka uga mamnuucay inuu ka iibiyo.

Qaabka ay Ankara ku sameysatay diyaaradahan ayaa ah mid lama filaan ah kaddib markii ay ka faa’iideysteen tiknoolojiyad lagu farsameeyay waddanka UK, taasoo ujeeddo kale laga lahaa.

Gantaallo markii ugu horreysay lagu hindisay Ingiriiska ayaa Turkiga u sahlay inay sare u qaadaan awooddooda dhinaca tiknoolojiyadda, iyadoo hadda khubarada ay ka digayaan khatarta ka dhalan karta arrintaas.

Caawinaaddaas muhiimka ah oo ka timid warshad hubka lagu sameeyo oo ku taalla magaalada Brigton ayaa horseedday in Turkiga uu noqdo waddanka Labaad ee ugu weyn adduunka dhinaca adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, sida uu shaaciyay wargeyska The Guardian.

Ankara waxay sidoo kale iskeed ugu biirtay waddamo uu Mareykanka siiyay diyaaradaha noocaas ah oo loogu talagalay “dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada”.

Diyaaradahan uusan duuliyaha saarneyd – oo Turkiga uu ku magacaabay Bayraktar TB2 – waxaa ilaa hadda loo adeegsaday howlgallo waaweyn oo ka dhan ah kooxaha ay Kurdiyiinta hoggaamiyaan ee ku sugan Suuriya. Howlgalladaas mid ka mid ah waxaa ku dhintay 449 ruux.

Dowladda Azerbaijan, ayaa Turkiga ka iibsatay diyaaradaha loo yaqaanno UAV, waxaana la tuhunsan yahay inay u adeegsatay dagaalka ay kula jirto Armenia ee ka dhacay gobolka lagu muransan yahay ee Nagorno-Karabakh.

Hase yeeshee inta uusan dagaalkaas dhicin ka hor, Turkiga ayaa si rasmi ah ugu soo biiray suuqa milatariga ee lagu iibiyo diyaarada drones-ka, kaasoo ay horay ugu jireen dalal faro ku tiris ah.

Dadka falanqeeya arrimaha milatariga ayaa sheegaya in Turkiga uu si deg deg ah sare ugu qaaday awooddiisa.

Daniel Gettinger, oo ah khabiir ka faallooda arrimaha milatariga ayaa BBC-da u sheegay “in Turkiga uu helay tiknoolojiyad uu waxyaabo badan ku farsameyn karo, haddana uu soo cidhiidhsaday suuqa kala iibsiga saanadda milatariga”.

Qoraaga wargeyska Haberturk, sidoo kalena falanqeeya arrimaha duulista hawada, Güntay Lightning, ayaa yidhi: “Turkiga wuxuu kasoo kabanayaa dib u dhacii sannadaha badan uu uga habsaamay suuqa kala iibsiga diyaaradaha.”

Güntay ayaa intaas ku daray in Turkiga uu sanadkii 1940-kii iyo wixii ka horreeyay xubin muhiim ah ka ahaa suuqaasi, maadaama uu soo saari jiray diyaarado, laakiin sannado badan uu xoogga saarayay sidii uu ku gaadhi lahaa tiknoolojiyadda wax soo saarka diyaaradaha uusan duuliyaha saarneyn.

Maamulka madaxweyne Racep Tayyib Erdogan ayaa hadda la kulmaya dhaleeceyn badan oo ku aaddan in weerarrada uu diyaaradaha drones-ka u adeegsado ay galaaftaan nolosha dad badan oo rayid ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post