717 Views

Wararkii ugu dambeeyay doorashada Aqalka Sare ee Magaalada Jowhar

Wararkii ugu dambeeyay doorashada Aqalka Sare ee Magaalada Jowhar
____________________________________________________________________________

Muqdisho |  September 15, 2021–Waxaa Maalintii labaad Magaalada Jowhar ka socota doorashada Xildhibaannada Aqalka Sare ku matalaya Maamulka Hir-Shabeelle, waxaana shalay la doortay Saddex kursi oo kamid ah Aqalka sare.

Maanta ayaa qorshuhu ahaa in la doorto Saddex kursi oo kamid ah Aqalka Sare, hayeeshee Xubno ka tirsan Guddiga ay sheegeen in Maanta hal kursi kaliya la dooran doono inta kale ee ka harsana Maalin kale la dooran doono.

Xildhibaan Cumar Gaab oo kamid ah guddiga Baarlamaaniga ah ee doorashada Aqalka Sare ayaa sheegay in Maanta kaliya ay dhici doonto doorashada kursiga ay ku tartami doonaan  Cismaan Maxamuud Dufle, Maxamuud Axmed Nuur tarsan iyo Raage Xasan Xuute.

hadii Maanta la doorto kursiga Afaraad ee Aqlka sare ku matalaya Maamulka Hir-Shabeelle ayaa waxaa Afarta kale ee harsan la dooran doonaa maalmaha soo socda, sida ay sheegeen Xubnaha Guddiga doorashooyinka Hir-Shabeelle.

Doorashada Aqalka sare ee Maamulka Hir-Shabeelle ayaa aad uga duwan kuwii ka dhacay Mamulada kale ee kajira dalka, waxaana doorashadaan kurastii ugu horreeysay lagu galay tartan adag.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post