903 Views

Imaaraatka oo si rasmi ah u daah-furay safaaraddiisa Israa’iil ee Dalkaasi

Imaaraatka oo si rasmi ah u daah-furay safaaraddiisa Israa’iil ee Dalkaasi
____________________________________________________________________________

Arbaco: July 14. 2021

Imaaraatka ayaa si rasmi ah u daahfuray saafaraddiisa Israa’iil, waa tallaabadii ugu dambaysay ee la xiriirta heeshiiska isku soo dhowaanshaha ee uu sanadkii hore uu gar wadeenka ka ahaa Maraykanka.

Safaaraddan ayaa waxa la furay dhisme cusub oo ku yaala caasimadda Israa’iil ee Tel Aviv.

Safaaraddan ayaa noqonaysa midii saddexaad ee uu dal Crab ah leeyahay iyada oo ay ka soo horreeyeen Masar iyo Urdon.

Israa’iil iyo Iisutagga Imaaraadka Carabta ayaa daahfuray xiriirka taleefannada tooska ah ee labada dal dhexmarayo dabayaaqadii sanadkii hore kaddib marki ay gaareen heshiis ay dib ugu soo celinayaan xiriirkooda.

Wasiirrada arrimaha dibadda labada dal ayaa xilligaasi si toos ah u bilaabay xiriir dhanka taleefanka ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post