1176 Views

Ismaaciil Cumar Geelle oo markii Shanaad loo dhaariyay Madaxweynaha Jabuuti

Ismaaciil Cumar Geelle oo markii Shanaad loo dhaariyay Madaxweynaha Jabuuti
____________________________________________________________________________

Munaasabad ka dhacday Caasimadda dalka Jabuuti ayaa waxaa Maanta markii Shanaad xilka Madaxweynaha dalka Jabuuti loogu dhaariyay Ismaaciil Cumar Geelle, kaas oo ku guuleystay doorrasho ka dhacday dalkaas 9kii Bishii Apriil ee sanadkan 2021.

Munaasabadda dhaarinta & Caleemo-saarka Madaxweynaha Jabuuti ayaa waxaa ka qeyb galay Madax badan oo Afrikan ah, sida hoggamiyeyaasha dalalka Kenya, Itoobiya, Ra’iisul Wasaaraha Soomaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo dhaarinta kadib Goobta ka hadlay ayaa u mahad celiyay Madaxda ka socota dalalka Afrika ee munaasadda ka qyeb galay, isaga oo balan qaaday in Shacabka Jabuuti uu si cadaalad ah ugu Shaqeyn doono.

Sidoo kale Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in uu sii xoojin doono xiriir kala dhaxeeyay wadamo badan oo Caalamka ah, kuwaas oo ay iska kaashadaan dhinacyada amniga iyo horumarka.

Dhamaan Madaxda ka qyeb gashay Xafladda Caleemo-saarka iyo dhaarinta Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waxaa ay balan qaadeen inay kala Shaqeyn doonaan dhinaca amniga iyo iskaashiga Ganacsiga.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post