870 Views

Turkiga oo Midowga Afrika uga digay inay farageliyaan Arrimaha Soomaaliya

Turkiga oo Midowga Afrika uga digay inay farageliyaan Arrimaha Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 26 2020–Safiirkii hore ee Turkiga u fadhiyay Soomaaliya Amb, Kani Torun ayaa Midowga Afrika waxaa uu ka dalbaday in ayan faragelin Arrimaha Soomaaliya gaar ahaan Arrimaha Siyaasada oo waqtigaan maraya xilli adag.
War qoraal ah oo uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka ayaa waxaa uu uga digay Midowga Afrika inay farageliyaan Arrimaha Gudaha Soomaaliya,isaga oo ka jawaabayay hadal dhawaan kasoo yeeray Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Caetano Madeira oo ahaa in Axmed Madoobe uu kaliya la heshiiyay Xubnihii Mucaaradka ee kasoo jeeday Beeshiisa.
“Midowga Afrika waa inuusan faragelin siyaasada gudaha ee Soomaaliya. AU waa inay dhex dhexaad ka ahaato kooxaha siyaasadeed haddii kale waxay dhaawici doonaan xasilloonida jilicsan ayuu yiri” Amb, Kani Torun.
Madaxweyne kuxigeenka 1aad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo Xildhibaan Cabdi Rashiid Xidig oo ka tirsan Xubnihii isbedel-doonka ayaa siweyn uga carooday hadalkii Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya uu ka sheegay Shirkii Golaha Ammaanka ee QM ,kaas oo uu kaga hadlay heshiiskii Nairobi ee Axmed Madoobe,Xidig iyo Seeraar.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment