717 Views

Madaxweynaha Puntland oo kulamo siyaasadeed ka wada Muqdisho

Madaxweynaha Puntland oo kulamo siyaasadeed ka wada Muqdisho
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL |  September 23 2020
—Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoyga uu ka deganyahay Muqdisho ku qaabilay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish.

Guddoomiye Cumar Finish ayaa Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ku bogaadiyey doorkii muhimka ahaa ee uu ka qaatay in la go’aamiyo doorashada dalka.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay maamulka Gobolka Banaadir iyo Dadweynaha Muqdisho soo dhoweynta wanaagsan ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoyga uu Ka deganyahay Muqdisho ku qaabilay Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) oo hadda ah Maareeyaha Guud Wakaaladda horumarinta Soomaaliyeed.

Labada mas’uul ayaa waxaa ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah iyo sidii ay wada-shaqyen wanaagsan u yeelan lahaayeen Hay’ada Wakaaladda horumarinta Soomaaliyeed iyo Maamulka Puntland.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa uu siyaabo kala duwan ula kulmayay saamileyda siyaasadeed ee dalka, Xildhibaano, Xubno kamid ah Golaha wasiirada Soomaaliya iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  ______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post