801 Views

Duqa magaalada hareereysan ee Kharkiv oo sheegay in duqaynta ruushka ay waxyeelo culus u geysatay bulshada.

Duqa magaalada hareereysan ee Kharkiv oo  sheegay in duqaynta ruushka ay waxyeelo culus u geysatay bulshada.
____________________________________________________________________________

Arbaco: March 2, 2022

Duqa magaalada hareereysan ee Kharkiv ayaa sheegay in duqaynta ruushka ay waxyeelo culus u geysatay bulshada, laakin wuxuu wacad ku maray in magaaladu aysan marnaba gacanta u gali doonin duulaanka Vladimir Putin.

Igor Terekhov ayaa BBC da u sheegay in dagaal xoogan uu ka dhacayo guud ahaan hareeraha magaalada, xaaladuna tahay mid culus.

Wuxuu sheegay in ciidamada Ruushku ay si joogta ah duqayn iyo gantaallo ugu garaacayaan goobaha ay dadku degan yihiin, wuxuu intaas ku daray in uu helay war sheegaya in ciidamada Moscow ay bartanka magaalada ku qarxiyeen wax ay ugu yeereen “bam faaruq ah”.

Wuxuu intaas ku daray in weerarka Ruushku “uusan marnaba joojin doonin” isaga oo sheegay in ciidamada Ukraine ay eryanayaan wax uu ugu yeeray “koox naf-lacaari ah”, wuxuu ugu baaqay wadamada caalamka in ay sameeyaan wax walba oo ay ku joojin karaan duulaanka Ruushka.

.Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post