1209 Views

Qarax ka dhacay Muqdisho iyo khasaaro ka dhashay

Qarax ka dhacay Muqdisho iyo khasaaro ka dhashay
____________________________________________________________________________


Muqdisho, April 10, 2021
–Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa waxaa uu ka dhacay agagaarka Warshada Xeyle Bariise ee Magaalada Muqdisho, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa ayaa waxaa la sheegay in lala eegtay Gaari Kaarib ah oo ay wateen Ciidamo ka tirsan kuwa ilaalada wadooyinka ee loo yaqaano Taraafikada ee ka howlgalayay degmada Hurwaa ee Gobolka Banaadir.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa uu ku dhintay wadihii Gaariga halka ay ku dhaawacmeen Saddex qof oo kala ah laba Askari iyo qof Shacab ah oo wadada marayay.

Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo goobta ka qaaday meydka askariga dhintay iyo kuwa dhaawaca ah.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada Booliska ay sameeyeen howlgallo ay ku badi goobayaan dadkii ka dambeeyay qaraxa wallow aysan ku guuleysan.

Laamaha Ammaanka dowladda Soomaaliya iyo Maamulka degmada Hiliwaa weli wax faah faahin ah kama bixin qaraxaas, balse Al-Shabaab ayaa Warar ay ku daabaceen Baraha Internet-ka waxa ay ku sheegteen mas’uuliyada qaraxa.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post