396 Views

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland oo dib ugu soo laabtay Garoowe

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland  oo dib ugu soo laabtay Garoowe
____________________________________________________________________________

Axad:: April 17, 2022

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta dib ugu soo laabtay Caasimadda Puntland  ee Garoowe, kadib safar uu ugu maqnaa dalka iskugu taga Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni waxaa magaalada Garoowe kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Ku-xigeenka maamulkaas Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan, Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad, Ismaaciil Maxamed Warsame, xubno ka mid ah Goleyaasha Dawladda, Maamulka Gobolka, Kan degmada Garoowe, Saraakiil Ciidan iyo dadweyne kale.

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa safarkiisii ugu horreeyay ku tagay dhawaan dalka isagoo halkaas kulamo kula duwan kula soo qaatay qaar ka mid ah Madaxda ka tirsan dowladdaas, waxaana uu markaa kadib u sii safray Imaaraadka Carabta, balse maanta ayuu dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

Sidoo kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweyne Deni lagu wado in uu dhowaan u soo safro magaalada Muqdisho, iyadoo qorshihiisa ugu weyn uu ku imaanayo Muqdisho ay tahay sidii uu ugu bilaabi lahas olilihiisa doorashada madaxtinimo ee Soomaaliya, maadama Musharixiinta Madaxweynaha u sharxan haaatan ay wadaan ololahooda doorashada ee madaxtinimada Soomaaliya iyagoo kulamo la qaadanaya Xildhibaanada labada gole ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya qaarkood.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post