855 Views

Kenya oo Dhoobleey u soo dirtay Khuburo baara sababta ay diyaarada u burburtay

Kenya oo Dhoobleey u soo dirtay Khuburo baara sababta ay diyaarada u burburtay
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-05-2020-Dawladda Kenya ayaa goor dhowayd faafaahin ka bixisay diyaarad shalay shil ku gashay garoonka diyaaradaha ee degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose.

War-saxaafadeed kasoo baxay milatariga Kenya ayaa lagu sheegay in diyaarad nooceedu yahay Harbin Y-12 oo ay leeyihiin ciidamada cirka Kenya ay shil ku gashay garoonka Dhoobley, iyadoo xilligaasi u soo duuleysay magaalada Nairobi.

Kenya waxay sheegtay in dhammaan 10-kii qof ee saarnaa diyaaraddaasi oo ka tirsanaa milatariga ay xaaladdoodu deggan tahay, ayna ku jiraan cisbitaalka milatariga Defense Forces Memorial Hospital ee magaalada Nayroobi.

Waxay Kenya intaasi ku dartay in koox baarayaal ah ay xilligan ku sugan yihiin magaalada Dhoobley si ay shilkaasi uga gun gaaraan.

Shilkan ayaa dhacay 3-dii Augus, 2020-ka. War saxaafadeedku ma sheegin sababta ugu wacnayd in diyaaraddaasi shil gasho.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  _______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post