1632 Views

Fariin Loodiray Madaxweyne Farmaao Iyo Falalka Ka Dhaca Muqdisho !!!

Fariin Loodiray Madaxweyne Farmaao Iyo Falalka Ka Dhaca Muqdisho  !!!
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Diseembar 23, 2018 –Mudane madaxweyne hadii aad isku wareejisay Gidaar, Carro tuuro, Askari jiifa iyo mid taagan, annaga yaa noo maqan? Carruurtii caseeyaasha ahaa iyo Gabdhihii nolasha ka raadiyay shaaha ee shalay ku dhintay qaraxa iyaga iyo kuwa la midka ah yaa u maqan?.

Kuwa xubnaha beelay, kuwa xanuunka la taahaya ee Isbitaalada yaala yaa u maqan?, Hooyada aseyda saaran, aabaha gablamay, Carruurta agoontoobay yaa u maqan?

Madaxweyne maalintii lagu doortay waxaan mooday, maalintii ay ugu dambeysay ee aan maqlo qarax, dil, dhaawac, saboolnimo iyo Guul darro.

Habeenkii lagu doortay socod, faraxad iyo rajo ayuu waagu iigu baryay laakiin ilaa hada waan yaabanahay waxa is badalay, ma adigaa been noo sheegay, ma dhibaa ku heesta? Mana ilaawday mise waa noo maqan tahay? Hadii aad noo maqan tahay ilaa goormee ku sugnaa laba sano waa dhamaatee?

Madaxweyne Farxiyo Ibraahim oo ka mid aheyd dadkii shalay qaraxa ku dhintay waxay geeriyootay iyadoo dhaheysa i badbaadiya, i badbaadiya, waxay aheyd Hooyo masaakiin ah oo shaah ka biilaysa carruurteeda, xaaaladu way adkeyd, rasaas ayaa socotay looma tagi karin, annaga ma sidaas ayaa noo dambeysa?

Mudane noo ogolaaw inaa kula soo galno Gidaarada iyo Carra-tuurada aad sameysatay, waayo waxaa noo sheegtay in annaga oo dhan nala deyneen? Madaxweyne maxaa noo heysaa ? Fursad waan ku siinay, mucaaradkaaga waan la dagaalnay, Canshuurta waan bixinay, madaxweyne ma na ilaawday? Madaxweyne ku aaway ?.

 

W/Q:-Hussin Abdulle Mohamed 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment