1083 Views

Banaanbax rabshado wata oo ka socda Beledweyne

Banaanbax rabshado wata oo ka socda Beledweyne
____________________________________________________________________________

Dadweyne farabadan oo ka kala yimid xaafadaha Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ay Maanta halkaasi ka dhigayaan banaanbax ay uga soo borjeedaan Maamulka Hir-Shabeelle.

Banaanbaxayaasha oo dhagxaan ku jaray waddooyinka qaar ee Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ay sigaar ah uga soo horjeedaan Ciidamada dowladda oo Maanta weerar ku qaaday Ciidamo uu wato Sarkaal lagu Magacaabo Nuur Dheere, kuwaas oo ku sugan degaanka Qowlad ee duleedka Beledweyne.

Sidoo kale banaanbaxayaasha ayaa waxaa ay ku dhawaaqayaan Erayo ay uga soo horjeedaan Maamulka Hir-Shabeelle, iyaga oo dhinaca kale sheegayay inay ka xun yihiin dagaalka ka socda duleedka Beledweyne.

Waxaa Maanta xiran Goobaha Gamacsiga qaar ee Magaalada Beledweyne, kaas oo saameeyay dibadbaxa ka socda meelo kamid ah Magaalada, waxaana dibadbaxayaasha aaar ay dhagxaan ku tuurayaan Ciidamada dowladda ee ku sugan Xerada lamagalayaay.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post