420 Views

Guddiga doorashada: Musharaxa ku guuleysta xilka waxaa loo qaadayaa meel amnigeedu sugan yahay

Guddiga doorashada: Musharaxa ku guuleysta xilka waxaa loo qaadayaa meel amnigeedu sugan yahay
____________________________________________________________________________

Arbaco: May 11, 2022

Guddiga doorashada madaxweynaha ayaa xalay soo saaray bayaan ay ku faah-faahiyeen amniga teendhada Afisyooni, halkaas oo ay ka dhici doonto doorashada madaxweynaya 10-aad ee Soomaaliya 15-ka bishan.

Qoraalkan ayaa lagu sheegay in amniga teendhada ay si buuxda maalinkaas ula wareegi doonaan ciidamada Midowga Africa ee ATMIS, isla markaana guud ahaan xerada Xalane aan loo oggolyn ‘in wax hub ah lala soo galo maalinta doorashada.’

“Musharraxa ku guuleysta xafiiska madaxweynaha waxaa isla markiiba amnigiisa la wareeagaya ATMIS, waxaana loo qaadayaa meel amnigeedu suganyahay” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay guddiga isku dhafka ka ah ee doorashada madaxweynaha.

Guddiga ayaa sidoo kale bayaankooda ku sheegay in maalinta doorashada ‘aan la oggoleyn in teendhada lala soo galo telefoonnada’, iyaga oo kasoo qeybgaleyaasha ugu baaqay inay bannaanka uga soo tagaan telefoonnadooda.

Bayaankan ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidmada Soomaalida ah ee hadda ku jira xarunta Afisyooni ay si ku-meel gaar ah uga bixi doonaan maalinta doorashada, isla markaana ‘kaliya 24 askari oo booliska ah oo aan hubeysneyn ay la shaqeyn doonaan kuwa ATMIS.’

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post