897 Views

Booliska Soomaaliya oo sheegay inay ku raadjoogan Burcad weerar ka geystay Muqdisho

Booliska Soomaaliya oo sheegay inay ku raadjoogan Burcad weerar ka geystay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 24, 2020 –Taliska Ciidamada Booliska  Soomaaliyeed ayaa faah faahin ka bixiyay weerar lagu qaaday xarunta Maamulka degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, weerarkaas ayaa waxaa lagu dilay Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali ayaa sheegay in rag Burcad Ciidan u yaal ah oo hubeysan ay weerar ku qaadeen xarunta degmada, isla markaana ay dileen ex- Dable Boolis Ciise Xasan Cismaan, Dable Boolis Caamir Cabdullaahi Xiireey & qof shacab ahaa.

Afhayeenka oo Shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay Saldhiga Booliska degmada Kaaraan ayaa waxaa uu sheegay in ay ku raadjoogaan raga Burcadda ah ee weerarka ku qaaday xarunta degmada, isla markaana ay Cadaaladda horkeeni doonaan.

Marka laga soo tago warkaan kasoo yeeray Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa Warar soo baxayay waxaa ay sheegayeen in weerarka ka dhacay Kaaraan ay ku lug lahaayeen qul qulatooyin maalmahaan ka jirtay degmadaas.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post