249 Views

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka uu guddoominayey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo lagu wado in la soo gaban gabeeyo.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka uu guddoominayey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo  lagu wado in la soo gaban gabeeyo.
____________________________________________________________________________

Sabti: OCTOBER 29, 2022

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka uu guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in maanta oo sabti ah la soo gabagabeeyo.

Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad-Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Benaadir ayaa shirkan muddadii uu socday diiradda ku saaray, dardargelinta dagaalka dalka looga xoreynayo Al-shabaab, dhammaystirka heshiiska Qaab-dhismeedka Amniga Qaranka.

Sidoo kale inta uu shirka socday Madaxda ayaa ka wada hadlay xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed iyo dib u heshiisiinta.

Gebagabada shirka Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad-Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Benaadir ayaa lagu wadaa inay warsaxafadeed ka soo saaraan qodobadii shirka looga hadlay iyo waxyaabaha ay ku heshiiyeen.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post