273 Views

Qasaaraha dhimasho ee ka dhsahay Qabowga iyo duufaanta Christmas-ka ee dalka Mareykanka oo gaartay 60 qof.

Qasaaraha dhimasho ee ka dhsahay Qabowga iyo duufaanta Christmas-ka ee dalka Mareykanka oo gaartay 60 qof.
____________________________________________________________________________

Isniin: DECEMBER 26, 2022

Ugu yaraan 30 qof ayaa ku naf waayay duufaanta Christmas-ka ee dalka Mareykanka, sida lagu sheegay dulmar uu sameeyay NBC.

Dhimashada ayaa la xiriirta shilalka gaadiidka, qabowga daran iyo sababo kale oo cimilada la xiriira.

Iyadoo dad badan ay guryahooda ku xayiran yihiin baraf aad u badan, isla markaana meelo badan ay ka jirto koronto la’aan, ayaa la filayaa in tirada dhimashada ay intaas ka sii badato.

Duufaanta ayaa ka bilaabma Rio Grande oo ku taal xadka Mexico ee koonfurta, ilaa Kanada oo ku taal waqooyiga. Qiyaastii 60 boqolkiiba dadweynaha Maraykanka ayaa ku nool meelaha ay duufaantu saamaysay.

Fiidnimadii Axadda, dulmar laga sameeyay NBC News ayaa muujisay in ugu yaraan 30 qof ay naftooda ku waayeen duufaanta. CNN, ayaa dhankeeda, ku warrantay 26 dhimasho oo la xiriirta duufaanno ku dhuftay Mareykanka.

Barasaabka New York Kathy Hochul ayaa Axadii sheegtay in laba iyo toban dhimasho ah la xaqiijiyay gobolka. Qayb weyn oo ka mid ah dhimashada ayaa laga diiwaan galiyay gudaha iyo hareeraha Buffalo, taasoo ku taal harada Erie ee galbeedka New York, una dhow xadka Canada. Waxaa jira mamnuucid baabuur wadista waddooyinka.

Intii lagu jiray dhammaadka wiigga Kirismaska, boqollaal darawallo ah ayaa ku xayiran baabuurtooda. Ilaalada Qaranka ayaa ku qasbanaaday inay soo galaan si ay u badbaadiyaan, ayuu yiri maamulaha degmada Mark Poloncarz oo ku sugan Erie.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post