933 Views

Somaliland oo ka hortimid qorsho dowladda Somalia ku dhawaaqday

Somaliland oo ka hortimid qorsho dowladda Somalia ku dhawaaqday
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 15 2020–Dowladda Soomaaliya shalay waxaa lagu wareejiyay labada Diyaaradood oo Hilacopter ah,kuwaas oo loogu talo galay inay Ayaxa ka buufiyaan Dowlad goboleedyada oo ay Soomaaliland ka mid tahay ayaa waxaa qorshahaas ka horyimid Soomaaliland.
Wasiirka Beeraha Somaliland, Axmed Muumin Seed, ayaa sheegay in Soomaaliland ay tahay mid Gooni ah oo isku filan,isla markaana deeqaha iyo taageerada Caalamka aan loo soo marin karin ayna ka rabin Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay in Agab dhowr jeer kasoo degay dekadda Berbera oo ay hay’adda FAO u waday Dowladda Soomaaliya ay Canshuur dhaaf u sameeyeen,balse Soomaaliland aysan sheegan taas bedelkeedana aan la aqbaleyn in Muqdisho looga soo diro diyaarado Ayax ka buufinaya deegaannada Soomaaliya.
Ugu dambeyn waxaa uu dowladda Federaalka ugu baaqay in wixii dhib ah ee ka yimaadda tallaabadaas ay masuuliyadeeda qaadayso dawladda Federaalka Soomaaliya,waxaana uu sheegay inay jiraan diyaarado loogu talo galay buufinta Ayaxa,kuwaas oo Hay’adaha FAO iyo USAID ay ka sugayaan kana soo degi doonaan Garoonka Magaalada Hargeysa.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment