636 Views

Madaxweyne Qoor Qoor oo saxiixay 10 sharci oo muhiim ah

Madaxweyne Qoor Qoor oo  saxiixay 10 sharci oo muhiim ah
____________________________________________________________________________

Sabti: February 26, 2022

Madaxwaynaha  Dowlad Goboleedka Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 26th February 2022, saxiixay hindise sharciyeedyo ay meel mariyeen Golaha Wasiirada iyo Baarlamaanka Galmudug, iyadoo uu sharciyadan sixiixay kadib munaasabad ballaaran oo lagu qabtay madaxtooyada Galmudug.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeybgalay Xildhibaanno iyo Wasiiro ka tirsan Galmudug, Xildhibaano ka tirsan Labada Gole ee dowladdda Federaalka iyo mas’uuliyiin kale, kuwaas oo maanta goob joog u’ahaa sharciyada la saxiixay.

Sharciyada uu maanta sixiixay Madaxwaynaha Galmudug ayaa waxaa ka mid ahaa degmo loo aqoonsaday Xeraale, waxaana ay gaarayaan sharciyada lasixiixay illaa iyo toban sharci kuwaas oo kala ah.

1- Sharciga Kalluumaysiga

2- Sharciga Nidaaminta Magaalooyinka

3- Sharciga Ujrooyinka Kalluumaysiga

4- Sharciga Shirkadaha

5- Sharciga Nootaayada

6- Sharciga Degmaynta Xeraale

7- Sharciga Shaqaalaha Rayidka ah

8- Sharciga Shaqaalaha Guud

9- Sharciga Biyaha

10- Sharciga Golaha Adeegga Garsoorka.

Dhanka kale Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxa uu kahadlay arimaha doorashada, waxana uu sheegay in kuraastii taallay caasimadda Galmudug ee Dhuusamarreeb la soo gaba-gabeeyay, lana bilaabayo kursaasta taalla magaalada Gaalkacyo.

Sidoo kale Madaxwaynaha Galmudug ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in laba todobaad lagu daray waqtigii doorashada loo qabtay, kadib kulan ay yeesheen Guddiga doorashooyiska Qaran ee heer Federaal, isagoo xusay in uu rajeynayo in Kuraasta taalla Gaalkacyo lagu soo gaba-gabeen doono labadaas isbuuc sida ay guddigaba xuseen.

Office Nairobi ken ya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post