693 Views

Odayaal Ka soo horjeeda Dib u doorashada xildhibaanad canab oo laascaanood lagu xirxiray

Odayaal Ka soo horjeeda Dib u doorashada xildhibaanad canab  oo laascaanood lagu xirxiray
____________________________________________________________________________


Talaado: November 2, 2021

Qaar ka mid ah odayaasha Laascaanood lagu xirxiray oo uu ka mid yahay walaalka Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil.

Maamulka Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay afar oday oo isku jees ah kuwaas oo farriin u soo diray Puntland. Odayaashu waxay ka codsadeen guddiga doorashooyinka heer federaal ee Puntland in markan beeshoodu xaq u leedahay inuu nin xildhibaan u noqdo.

Odayaasha la xiray waxaa ka mid ah Faarax Garaad Ismaaciil, Maxamed Cawad Baaruuf iyo Mustafe Aadan Gole. Waxay ka soo horjeedaan in Canab Xasan Cilmi mar kale loo doorto xildhibaanad heer federaal. Canab waa xildhibaannada keliya oo si cad u dhaleecaysay barakicinta qasabka ah oo uu maamulka goosashada doonaya Laascaanood ugu geystay dad Soomaaliyeed.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post