618 Views

Ruushka oo ku fashilmay in uu la wareego magaalo muhiim ah oo Ukraine ku taal

____________________________________________________________________________

Ukraine waxay u badan tahay inay ku guulaysatay dagaalka Kharkiv – sida laga soo xigtay Machadka Daraasaadka Dagaalka.

Qiimeyntii ugu dambeysay ee ay ku sameysay iskahorimaadka, falanqeeyayaasha millatariga ee la ixtiraamo ayaa sheegaya in Ruushka laga hor istaagay in uu ku hareereeyo magaalada labaad ee Ukraine  oo uu hadda ka tanaasulay isku daygii uu ku doonayay.

Kharkiv, oo ku taal waqooyi bari, waxaa mararka qaarkood loogu yeeraa magaalo qalcad ah. Dagaalkan, waxay ku kasbatay magacaas.

Tan iyo markii uu bilowday duulaanka, qabashada waxa ay aheyd ujeedo istiraatiiji ah oo muhiim ah oo ay lahaayeen ciidamada Ruushka.

Laakiin in ka badan laba bilood, ma aha oo kaliya inay ku guuldareysteen inay sidaas sameeyaan – laakiin sida laga soo xigtay hay’adda cilmi-baarista ee fadhigeedu yahay Mareykanka – waxay ka tanaasuleen isku dayga dhammaantood.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post