573 Views

Shirka Maareynta mashaariicda Midowga Yurub ee Soomaaliya oo ka furmay Kismaayo

Shirka Maareynta mashaariicda Midowga Yurub ee Soomaaliya oo ka furmay Kismaayo
____________________________________________________________________________


Isniin: March 21, 2022

Xafiiska Hagidda Mashaariicda Midowga Yurub ee NAO-Soomaaliya ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaaha ee Xukumaadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Kismaayo ka daah-furtay kullan aqoon-is-weedaarsi ku aadan habka maaraynta mashaariicda Midowga Yurub ka waddo Soomaaliya. Iyada oo ay ka qeyb galeen Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Jubbaland Mudane Mursal Khalif, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Jubbalanad, Cabdi Maxamed Dhaqane, ku-simaha Madaxa Xafiiska NAO-da ee Wasaaradda Qorsheynta iyo Howl-wadeenno ka socday Wasaaraddaha kala gadisan ee Maamul Goboleedka Jubbaland.

Kullanka oo socon doonno muddo saddex cisho ah ayaa waxyaabaha looga hadlayo waxaa ka mid ah; hannaanka loo curiyo mashaariicda, maamuliddoda, qaabka loo qiimeeyo iyo sida dowlad gobaleedka Jubbaland uga faa’iideysatay Mashruuca horumarinta dhaqaalaha loo dhan yahay ‘ILED’.

Ku simaha Madaxa Xafiiska Hagidda Mashaariicda Midowga Yuurb ee NAO-da ee Wasaaradda Qosheynta, Mudane Cabdi Muxumed Axmed ayaa sharaxay howlaha uu qabto xafiiska NAO-da, isagoo xusay in muhiimad gaarah uu u leeyahay bulshada Jubbaland aqoon-is-weedaaarsigan maanta furmay .

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Jubbalanad, Mudane Mursal Khaliif ayaa dhankiisa hoosta ka xariiqay in tababarkaan muhiim u yahay Hay’addaha dowlad goboleeddyada dalka oo ay Jubbaland ugu horeyso, isla markaana looga baahan yahay in ay si wannaagsan uga faa’iideystaan howl-wadeennada ka socda Hay’addaha aas-aasiga u ah bulshada ee dowlad gobaleedka Jubbaland.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post