1101 Views

Dilalkii al-shabaab Bisha Ramadaan ka geysan jireen magaalada Muqdisho oo aad u yaraaday

Dilalkii al-shabaab Bisha Ramadaan ka geysan jireen magaalada Muqdisho oo aad u yaraaday
____________________________________________________________________________

April 23-2021

 Magaalada Muqdisho waxaa maalmihii la soo dhaafay laga dareemayay Deganaashi dhinaca dilalka al-shabaab ay ka geysan jireen marka la gaaro  Bisha Ramadaan.

Ciidamada loo yaqaano amniyaadka al-shabab ayaa ka gaysan jiray magaalada Muqdisho iyo Gobolada Dalka dilal qorshaysan oo Madax jabiska loo yaqaano, waxaana maanta oo ku began bisha Ramadaan 11- ay tahay mid aad uga yar intii caanka ay ku ahaayeen Al-shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in arintaan ay saamayn xoogan ku yeelatay Ciidamada Dharcada ah oo Dowlada waqtigeeda dhamaaday soo dhoobtay xaafadaha Muqdisho, kuwaas oo raxan raxan u jooga magaalada Muqdisho.

Sidoo kale al-shabab ayaa Bisha ramadaan gaar ahaan Marka la gaaro 17-bisha Ramadaan oo ku began 29-bishan waxay xoojisa weerarada iyo Dilalka oo ay ku tilmaamaan waajib

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post