1377 Views

Gudoomiye Mursal Oo Kulan Xafiiskiisa Kulayeeshay Safiirka dowladda Ingiriiska UK u fadhiya Soomaaliya

Gudoomiye Mursal Oo Kulan Xafiiskiisa Kulayeeshay Safiirka dowladda Ingiriiska UK u fadhiya Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Safiirka dowladda Ingiriiska (UK) u fadhiya Soomaaliya Amb. David Concer.

Guddoomiyaha iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay xaalada guud ee dalka, xoojinta xiriirka labada dowladdood ee Soomaaliya iyo UK.

Sidoo kale waxa ay ka wada hadleen doorashooyinka madaxtinimo ee dowlad goboleedyada dalka ka jira gaar ahaan doorashada dowlad goboleedka Soomaliyeed ee Koofur galbeed Soomaaliya.

Guddoomiye Mursal ayaa safiirka warbixin ka siiyay shaqooyinka horyaalla Golaha Shacabka iyo sharciyadii ugu dambeeyay uu Golaha Shacabka ansixiyay.

Waxa uu kaga mahad celiyay kaalinta wanaagsan ee dowladda UK ay ka qaadaneyso hormarinta iyo nabadeynta Soomaaliya.

” Mudane safiir aad baa ugu faraxsanahay inan mar kale halkaan ku kulano, waxaan rabaa inan halkaan ka cadeeyo in dowladda UK aan abaal weyn u heyno, Soomaaliya waxa ay diyaar u tahay in ay sii xoojiso xiriirka wanaagsan ee naga dhaxeeya”. ayuu yiri guddoomiye Mursal.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment