1143 Views

Xildhibaan loo diidayinay ka dhoofto Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Xildhibaan loo diidayinay ka dhoofto Garoonka Diyaaradaha Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 25, 2019 – Xildhibaan Dalays Xasan  Adan oo katirsan Golaha Shacabka Soomaaliyaayaa la sheegay in loo diiday inay ka dhoofto Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho xilli ay kuwajahneyd deegaano katirsan Gobolka Gedo oo deegaan doorashadeedu tahay.

Xildhibaan Dalays Xasan Adan oo Maanta ka hadleysay kulan ka Baarlamaanka ayaa sheegtay in saakay mar ay dooneysayinay u dhoofto Gobolka Gedo loo sheegayinaysan bixin karin, islamarkaana ay heysato Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka.

Xildhibaannada ayaa Baarlamaanka ka dalbatay in loo cadeeyo sababta loogu diiday in ayaado deegaanka Luuq Ganaane ee Gobolka Gedo iyo waxa lagu heysto, taasoo keentay in Guddoonka Golaha uu dalbaday in Ajandaha Maanta lagu soo daro.

Horay ayaa tira laba jeer ah waxaa Garoonka diyaaradaha Muqdisho loo diiday in uu ka dhoofo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xubno kale oo ka tirsan Madaxda Xisbiyada Qaran.

 

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment