648 Views

Wasiirka arrimaha dibadda oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Kuwait Sheekh Sabah Khaled Al-Hamad Al-Sabah

Wasiirka  arrimaha dibadda oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Kuwait Sheekh Sabah Khaled Al-Hamad Al-Sabah
____________________________________________________________________________


Talaado: October 19, 2021

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo booqasho ku jooga dalka Kuwait ayaa kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Kuwait Sheekh Sabah Khaled Al-Hamad Al-Sabah.

 Kulanka intii uu socday ayaa looga hadlay xariirka labada dalka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa. Kuwait ayaa ka mid ah dalalka carabta kuwooda ugu wanaagsan oo aan lagu dhibaatayn Somalida oo ay ugu nool yihiin sida dalkooda.

Sidoo kale  Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa kulan la yeeshay dhiggiisa dalka Kuwait Dr. Axmed Nasser Al-Mohammed Al-Sabah. Labada dhinac ayaana ka wadda hadlay iskaashiga iyo xariirka labada, iyagoo dib u eegis ku sameeyay horumaraddii ugu muhiimsanaa ee ka dhacay fagaarayaasha Gobolka iyo kuwa caalamiga ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post