465 Views

M/weyne Xasan Sheekh oo guddoomiyay shir looga hadlyay deyn cafinta Soomaaliya

M/weyne Xasan Sheekh oo guddoomiyay shir looga hadlyay deyn cafinta Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Khamiis: May 19, 2022

Shir ku qabsoomay habka fogaan aragga ee Zoom-ka ayaa looga hannaanka geddi socodka deyn cafinta Soomaaliya, waxaana Shirka ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dr. Abdirahman Dualeh Beileh iyo Madaxda Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF, iyadoo uu shir guddoominayay Madaxweynaha cusub ee dowladda Soomaaliya, Hassan Sheikh Mohamud.

Shirkaan ayaa looga hadlay halka uu marayo dib-u-habaynta dhaqaalaha dalka iyo sharuudaha dhamaystirka barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya oo dalka aad muhiim ugu ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay sida ay uga go’an tahay dowladda Federaalka in la sii waddo dadaalada lagu xaqiijinayo dib- u – habeynta hannaanka Maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha  dalka.

15-kii bishaan May ayey ahayd markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu kusoo baxay doorasho ka dhacday teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho, isagoo u tartamida xilka Madacweynaha kaga adkaaday Madaxweynihii uu hore ugu wareejiyay sanadkii 2017-kii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post