1575 Views

Shirka ururka caafimaadka aduunka ee WHO oo ka socda Khartuum

Shirka ururka caafimaadka aduunka ee WHO oo ka socda Khartuum
____________________________________________________________________________

Muqdisho, Oktoobar 17 2018–Shirka 65-aad ee ururka caafimaadka aduunka ee WHO ayaa ka socda magaalada Khartuum ee dalka Sudaan, waxaana Soomaaliya ku matalaya wasiirka wasaaradda caafimaadka Drs. Fowsiya Abiikar Nuur.

Shirkaas oo socon doona ilaa 18-ka bishan ayaa looga hadlayaa wax ka qabashada cudurada faafa, fidinta adeegga caafimaadka, in hay’adaha gaarka loo leeyahay ay ka qayb qaataan horumarinta caafimaadka iyo daryeelka bulshada.

Wasiirka caafimaadka Soomaaliya Dr Fawsiya ayaa loo doortay ku xigeenka shir gudoonka, waxaana ay ka hadashay dadaalada horumarineed ee dawladda Soomaaliya ku horumarinayso adeegga caafimaadka, taas oo ay codsatay in lagu gacansiiyo.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment