987 Views

Ciidamo ka tirsan millateriga oo ka baxay Beledweyne oo gaaray degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan

Ciidamo ka tirsan millateriga oo ka baxay Beledweyne oo  gaaray degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan
____________________________________________________________________________

Arbaco October 20, 2021

Wararka ka imaanaya Galmudug ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan millateriga oo  ka ambabaxay magaalada Beledweyne ay gaareen degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan oo Xuduud la ah Galmudug.

Wararka ayaa sheegaya in caawa  fiidkii ay gaareen halkaas, waaxaana la sheegay in ay ka Qeyb galayaan dagaal ka dhan ah Ahlu-Sunna Waljamaaca oo laga yaabo in saacadaha soo socda uu halkaas ka bilaawdo.

Taliyaha Guutada shanaad Korneyl Maxamuud Xasan Ibrahim ayaa hogaaminaya ciidamada gaaray Matabaan, kuwaasi oo qeyb ka noqonaya sida la sheegay howl-galada amniga lagu sugayo.

Dhinaca kale  Ciidamo ka amar qaata hogaanka Ahlu-Sunna ayaa maalmo ka hor gebi ahaanba iskaga baxay degmada Matabaan oo ay soo galeen, kadib markii ay gacanta ku dhigeen Guriceel oo maamulkeeda la wareegen.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post