1107 Views

Khasaaro ka dhashay qaraxa ka dhacay Magaalada Marka

Khasaaro ka dhashay qaraxa ka dhacay Magaalada Marka
____________________________________________________________________________

Muqdisho |  September 22, 2021–Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay inta badan xaafadaha Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa uu ka dhacay Garaashka Cawaale oo ku yaal dhabarka dambe ee Saldhiga Booliska, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan.

Saraakiil dhinaca Amniga ah ayaa Risaala u sheegay in qaraxa uu ahaa miino, isla markaana uu ka dhex dhacay qol ku yaalla Gudaha Garaashka, iyada oo uu ku dhintay Nin Caanka ahaa degmada Marka oo lagu Magacaabi jiray Saciid Jalbow.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qaraxa, waxaana mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Magaalada ay sheegeen in Ninkii diyaarinayay qaraxa uu ku dhintan in kastoo faah faahin kale aysan bixin.

Sidoo kale qaraxa waxaa ka dhashay burbur xoogan oo gaaray qolka uu kujiray qaraxa ee katirsan Garaashka lagu farsameeyo Baabuburta oo ku yaal Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamo ka tirsan laamaha Amniga Magaalada Marka ayaa hareeyay Garaashka uu ka dhacay qaraxa, waxaana la sheegay in Ciidamadu ay qarax kale uga shakisan yihiin Goobta.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post