447 Views

tuhmanayaashi si weyn looga baadi goobayey UK oo loo haystay dilkii loo geystay basaaski hore ee Ruushka Alexander Lit-vinenko oo geeriyooday.

tuhmanayaashi si weyn looga baadi goobayey UK oo loo haystay dilkii loo geystay basaaski hore ee Ruushka Alexander Lit-vinenko oo geeriyooday.
____________________________________________________________________________


Sabti: June 4, 2022

Mid ka mid ah tuhmanayaashi si weyn looga baadi goobayey UK oo loo haystay dilkii loo geystay basaaski hore ee Ruushka Alexander Lit-vinenko ayaa lagu soo waramayaa inuu geeriyooday.

Wararka ku saabsan dhimashada Dimitry Kovtun ayaa sheegay in loo badinayo inuu tuhmanahaasi u dhintay xanuun la xidhiidha covid, ayaa soo ifbaxay kaddib marki uu barta uu leeyahay Andrei Lugovy, oo ah tuhmanaha labaad ee loo haysta shirqoolka dilka.

Mr Litvinenko, oo ahaan jiray wakiilka FSB, ayaa ka goostay Ruushka sanaddi 2,000, isagoo noqday shaqsi si weyn u naqdiya siyaasadda madaxweyne Vladimir Putin.

Muddo lix sana ah marka uu xanuunsanaa ayuu ku geeriyooday magaalada London, isaga oo lagu sumeeyey maadadda ‘polonium’.

Moscow ayaa diidday codsiga UK ee ahaa in loo soo gacan geliyo labada tuhmane si ay u wajahaan dacwado dil ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post